Mourinho oo markale laga saaray garoonka lana ganaaxay

Mourinho ayaa lagu eedeeyay inuu si xun u dhaqmay

Jose Mourinho ayaa markale garoonka laga saaray, waana markii labaad muddo bil gudaheed, ayadoo Manchester United ay barbardhac la gashay West Ham oo ay kula ciyaartay Old Trafford.
Macallimka kooxda United wuxuu garoonka ku dhex tuuray caagga biyaha asigoo ka ficil celinaayay garsooraha oo kaarka jaalaha siiyay Paul Pogba.
Mourinho, ayaa sidoo kale waxaa garoonka ka saaray garsoore Mark Clattenburg, waxayna ahayd bishii hore xilli ay 0-0 ay gurigooda kula galeen kooxda Burnley.
Sidoo kale, garsoore Moss ayaa bartamihii bishii October ee 2015 garoonka ka saaray, Mourinho xilligaas oo macallim u ahaa Chelsea, waxayna markaasi la ciyaarayeen West Ham.
Xariiqinta loogu talagalay tababarayaasha ayuu Mourinho markastaa ka baxaa ama isku deyaa inuu garsoorayaasha ku qeyliyo, waana sababtaasi midda dhaliso in laga saaro qeybaha hore oo kaarka cas la siiyo.
Mourinho ayaa rooso la siiyay ka dib markii uu darbeeyay caagga biyaha
Ciyaartii shalay, West Ham ayaa hogaanka qabatay daqiiqadii labaad, ka dib markii gool uu u dhaliyay Diafra Sakho.
Zlatan Ibrahimovic ayaa lahaa qaladka uu goolkaasi ku dhashay, balse isbedel ayuu sameeyay wuxuuna goolka barbardhaca dhaliyay daqiiqadii 21-aad.
Arsenal ayaa noqon karta kooxda ugu wanaagsan xilli ciyaareedka sanadkan. Gunners lagama adkaan 19-kii kullan ee ugu dambeeyay.
Dhanka Arsene Wenger, waxay kooxdiisa guuleysatay 25 kullan oo ka mid ah 38-dii ciyaarood ee sanadkii 2015kii.
Xilligaasi waxay ka mid noqotay afarka koox ee ugu sareysay horyaalka Premier League-ga.
Haddana waxay ku socdaan inay noqdaan kooxda ugu wanaagsan horyaalka ee sanadkan 2016ka.
Dadka ciyaaraha falanqeeya waxay aaminsan yihiin inay si wanaagsan ay hadda ku socoto Arsenal, taas oo ah sidii ugu fiicneyd ee ay sameeyaan tan iyo 2007-dii.

Mowduucyada la xiriira

Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: