UN oo baareysa xadgudubyada lagu eedeeyay ciidamada Turkiga

Ciidamada Turkiga ayaa lagu eedeynayaan in maxaabiista ay jirdileen

Baare sare oo ka socda Qaramada Midoobeey, Nils Melzer, ayaa gaaray dalka Turkiga, halkaas oo shan maalmood uu ku sugnaan doono.
Wuxuu doonayaa inuu baaritaan ku sameeyo eedaha la xiriira in maamulka dalkaasi ay jirdil geysteen.
Waxaa qeyb ka ah baaritaankiisa, inuu booqdo xabsiyada lagu hayo dadka looga shakiyay inay ku lug lahaayeen afgembigii fashilmay.
BBC-da ayaa waxay horey u heshay cadeymo muujinaya in xadgudub loo geystay dadka afgembigaasi lala xiriirinayo.
Sidoo kale dadka la jirdilay waxaa ka mid ah siyaasiyiin iyo xubnaha ka midka ah kurdiyiinta mucaaradka.
Qof wakiil u ah dadkaasi la eedeeyay waxay sheegtay in la jirdilay, ayna qabaan dhaawacyo sida, Daqar, gubasho, jirka oo la jarjaray, iyo jabniin.
Wasiirka cadaaladda ee Turkiga wuxuu dhammaan eedaha jirdilka ku tilmaamay af-lagaado.
Qiyaastii 40 kun oo qof ayaa loo xiray afgembigii dhicisoobay ee bishii July.
Dowladda waxay ku doodeysaa in jawaabta ay arrintaasi ka bixisay ay tahay mid sharci ah.
Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: