WAX KA BARO WADDANKA SOMALIA.
________________________________________
Soomaaliya waxay kutaalaa geeska Afrika Bari. Waana meel aad muhiim ugu ah xagga juqraafiga.
Bedka dhulka Soomaaliya uu ku fidhiyaa qiyaastii waa 246,000 mayl laba jibbaaran, ama (637,000 Kiiloomitir labajibbaaran).
Soomaaliya waxaa waqooyi ka xiga Badda Cas, barigana Badweynta Hindiya, dhanka Galbeedna waxaa xad kala wadaaga Kenya iyo Ethiopia, waqooyi-galbeedna Djabouti.
Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, taas oo dhererkeedu yahay qiyaastii 2,060 mile ama [3,330 Km].
BEERAHA
Bedka Soomaaliya oo ah 63.8 million hecters [hektar] waxaa beerista ku haboon siddeed-meelood-oo-meel [1/8] ama 8 million hektar.
Waxaase labeeri jirey in yar oo keli ah. Meelahabeeraha ugu haboon ee Soomaaliya waa inta ku xeeran labada webi ee Jubba iyo Shabeelle ee koonfurta Soomaaliy.
Qiyaastii labada webi iyo dhexdooda waxaa beerista ku haboon 7.5 million hektar.
Inkastoo aan si weyn loo beerin dhulka ku haboon beerista, hadana beeruhu waxay Soomaaliya ka yihiin hal-bawlaha dhaqaalaha ee waddanka.
Waxyaabaha kasoo baxa beeraha, qayb waxaa lagu isticmaalaa waddanka gudiisa, qaybta kalena waa ladhoofiyaa, halkaas oo laga helo lacag adag.
Boqolkiiba-sagaashan (90%) Lacagta adag ee Soomaaliya soogasha waxaa laga helaa xoolaha nool iyo beeraha.
Magaalooyinka Soomaaliya ee ku xeeran labada webi, beeridana ku haboon waxaa kamida: Beledweyne, Jawhar, Balcad, Afgooye, Baardheere, Shalambood, Jilib, Jamaame iyo Kismaayo iyo kuwo kale oo fara badan.
Marka laga reebo labada webi, meelaha kale ee ku haboon wax beerista waxaa kamida; gobolka Waqooyi-galbeed, iyo gobolka sanaag halkaas oo cimilada iyo dhulkuba ku haboonyahay beerista.
Dhanka gobolka Bari waxaa kabaxa timirta. Geedka timirtu waa geed ku haboon cimilada kulul.
Roobka ku da'a Soomaaliya oo yar awgeed, badanaa soomaalidu wax kama beertaan wixii kabaxsan labada webi.
Waana sababtaas midda ay soomaalidu u dhaqdaan xoolaha. Waayo waxaa u sahlan [reer guuraaga] in ay u guuran hadba meeshii roob kada'o.
XOOLAHA
Khayraadka ugu badan ee Soomaaliya leedahay waa xoolaha nool. Xooluhu waa meesha dakhliga ugu badan iyo nacfiga ugu wanaagsani waddanka Soomaaliya kasoo galo.
Xoolaha Soomaliya qaybna waa ladhoofiyaa si looga helo lacag adag, qaybna waxaa laga helaa hilib, caano iyo subag saafi ah.
Waxaa kale oo xoolaha laga helaa harag, kaas oo ladhoofiyo, farshaxanna laga dhigo iyo weliba iyadoo baadiyaha haragga loo adeegsado roobceliye lagabbaadsado xilliga roobka.
Xoolaha Soomaaliya waxay isugu jiraan geel, lo' iyo ari. Qiyaasay samaysay Qaramada Midoobey hay-adda u qaabilsan cuntada iyo beeraha (F.A.O) sannadkii 1967, waxay sheegtay in xoolaha nool ee Soomaaliya ahaayeen 10.6 million.
Kuwaasoo ka koobnaa 2,800,000 Neef - Lo'2,500,000 Neef - Geel2,100,000 Neef - Ido3,300,000 Neef - RiyoWaqtiga qiyaastaas kore lasameeyey (1967), tirada dadka Soomaalidu waxay ahay 4.5 million.
Waqtigaas Soomaalidu boqolkiiba lixdan (60%) waxay ku tiirsanaayeen xoolaha nool.
DHIRTA IYO DAAQA.
Dhulka Koonfurta iyo Woqooyi-galbeed ee Soomaaliya waa dhul hawd ah oo ay dhirtu ku badan tahay, taas oo ay ugu wacan tahay roobka ka da'a meelahaas oo ka badan kan ka da'a dhulka Soomaalida intiisa kale.
Woqooyina waxaa ku badan cawska iyo dhir ku haboon daaqa xoolaha.
Woqooyi-Bari iyo xeebaha Woqooyiga waxaa ku badan dhirtaxabagta leh, sida Fooxa (Beeyada) iyo Maydiga.
Fooxa iyo Maydiguba waa xabag aad u udgoon waxaa lagu udgiyaa guryaha iyo masaajidyada, iyadoo weliba loo dhoofiyo dibadaha oo markaas laga helo lacag adag.
Dhanka gobolada dhexe iyo weliba koonfurta waxaa ku badan dhirta mayraxda leh.
Soomaaliya waxay leedahay xoolo aad u badan. Taasi waxay sababtay in daaqa waddanku uu yaraaday, gaar ahaan marka xilliga roobku uu gadaal uga dhoco markii uu di'i jirey.
Magacyada dhirta soomaaliya ka baxda waxaa kamid ah: Galool, qurac, qansax, cadaad, dhamas, geed-hindi, laama-looyo, hareeri iyo kuwo kale oo farabadan oo aanan halkan kusoo koobi karin.
Waxa kale oo duurka ama baadiyaha soomaaliya, gaar ahaan dhanka koonfurta, ku nool xayawaano fara badan inkastoo kuwa farabadan dabar go, een.
Waxaana kamid ah: Dhurwaaga, dawacada, libaaxa, haramcadka, doofaarka, gorayada, deerada, cawsha, biciidka, sagaarada, dameerfarowga, jeerta, wiyisha iyo weliba noocyo farabadan oo shimbiro ah.
DADKA.
Dhaqanka, luqadda iyo hab nololeedka dhamaan Soomaalidu waa iskaga mid meel kasta oo ay Soomaalidu kaga noolyihiin Soomaaliya.
Soomaalidu badanaa waa dad isugu jira ree-guuraa, beeraley, kalluumaysato, iyo kuwo magaalooyinka deggan.
Afka ay kuhadlaan dadka Soomaalidu waa Af-Soomaali, waana af aad u qadiim ah, wuxuuna la bah yahay afka loo yaqaan Kushitik [cushitic].
Waxaase la qoray afka Soomaaliga sannadkii 1972kii.
Tirada dadka Soomaalida waxaa lagu qiyaasay sida hoos ku qoran:3,253,024 [waa qiyaastii tira koob lasameeyey bishii Febraayo ee sannadkii 1975]7,114,431 [waa tira koobkii 1986 - 1987]9,204,000 [tirakoob ay samaysay hay-adda qaramada midoobey sannadkii 1992.
Dadka Soomaalida ah waxay u kala baxaan qabiilooyin iyo jifo waxayna u siman yihiin deegaanka dhulka Soomaaliya, hase yeeshee dhulka ay degaan Soomalidu wuxuu leeyahay seer qabiil oo uu u asteeyey isticmaarkii gumeysan jirey.
Waxaa la qiyaasay in tirada Soomaalida sannadkiiba ay ku kororto boqolkiiba saddex ama 3%. Ilaah ayaa xaqiiqada og.
1960 - 1991 Somaliya Dhanka baadiyaha Soomaalida deggani waa dad aan meel ku negeyn oo had iyo jeer guur-guura. Waxayna dhistaan Aqal-Soomaali, kaas oo ah mid dhismihiisa iyo raridiisuba ay sahlan tahay.
Reerguuraagu waxay dhaqdaan xoolo ,kuwas oo noloshoodu ku tiirsan tahay waxyaabaha ay ka helaan xoolaha nool.
Soomaalida reer guuraaga ah waxay aad u qiimeeyaan geela. Geelu wuxuu u leehay Soomaalida manaafacaad badan, waana daabadda ugu muhiimsan oo ay haystaan, inkasta oo meelaha buuraha iyo qararka ay muhiim kayihiin dameeruhu.
Soomaalida deggan labada webi iyo inta ku xeeran waa dad beero falato ah, waxayna dhistaan guryaha nooca loo yaqaan cariish iyo mudul.
Nolol maalmeedkooda waxay kasoo saaraan beeraha, iyadoo dhulka webiga agagaarkiisa ah uu yahay mid aad ugu habboon waxsoosaarka.
Waxay lasoo baxaan miro fara badan iyo weliba khudaar [qudaar] kala nooc nooc ah.
BADDA.
Dhanka badda Soomaalidu aad ugama faaiidaystaan, marka laga reebo magaalooyinka Baraawe, Caluula, Kismaayo, Xamar, Marka, bososo, lasqoray iyo kuwo kale.
GANACSIGA.
Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka badanaa waa dad ganacsato ah, Waxayna u kala baxaan qayb dibedda wax kasoo dejisa iyo qayb waddanka dhexdiisa ka ganacsata.
Waddanka gudihiisa meelaha ay ka ganacsadaan ama wax kugataan waxaa kamida:- dukaanno, macdaarro yaryar, tubaaka-hayo [tabakaayo], firsho ama warato, suuqweyne [markaato], suuqa xoolaha, iyo kuwo kale.
CIMILADA.
Soomaaliya waxaa mara dhul baraha, sidaa daraadeed waa dhul kulul.
Waxayna leedahay afar xilli: waana kuwan hoos ku qoran 1. Gu' April - June2. Dayr October - December3. Jiilaal December - March4. XagaaJune - SeptemberRoobka ku da'a Soomaaliya sanadkiiba qiyaastii waa 4 inches(100 millimitir).
Inkasta oo gobolada soomaaliya roobka ay helaan uu kala duwanyahay. Woqooyi-Bari qiyaastii roobka sannadkii ku da'a waa 8 ilaa 12 inches.
Koonfur-Galbeed iyo Waqooyi-Galbeedna qiyaastii waxaa ku da'a 20 ilaa 24 inchesoo roob ah sannadkii.
Meelaha xeebaha ah ee Soomaaliya aad ayey u kulul yihiin, dhulka berriga ahina waa kuley xigeen.
Xeebaha Berbera iyo Boosaaso heerkulku wuxuu gaaraa 38 C ama (100 F), waana bilaha June ilaa September.
Dhulka xeebaha koonfureed heerkulkoodu waa hooseeyaa iyadoo ay ka dhacdo dabeyl ka timaada bad-weynta Hindiya.
Heerkulka Muqdisho wuxuu u dhexeeyaa 28 C (83 F) bisha June iyo 32 C(90) bisha April.
TAARIIKH.
Inagoo aan halkaan ku soo wada koobi karayn taariikhda Soomaaliya, waxaan in yar ka xuseynaa taariikhdii iyo magacyadii hore ee Soomaaliya.
Waana kuwan hoos ku qoran Faraaciyiintii hore ee masaaridu waxay Soomaaliya u aqoon jireen dhulkii udugga ama "land of Punt".
Waxayna Soomaaliya caan ku ahayd Maydiga iyo fooxa, kuwaas oo boqorradii faraaciyiintu isticmaali jireen qarnigii 15-aad B.C. [ciise-hortii].Roomaaniyiintiihorena waxay u aqoon jireen dhulkii aan la-aqoon [Terra Incognita].
Carabtii iyo Beershiyiintiihore waxay Soomaaliya soo gaareen qarnigii 7-aad. Meelaha ay carabtu timid waxaa kamid ahaa Muqdisho, Warshiikh, Marka, baraawe, Saylac, Berbera, Bender-Cabbas [Boosaaso].
Haddii aan wax kaxusno taariikhaha dhow waxaa kamida kuwan hoos ku qoran.
Woqooyiga Soomaaliya1827 ayaa odayaal iyo jiifaf katirsanaa Woqooyiga Soomaaliya ay heshiis lagaleen Ingiriiska, waxaana ku xigey heshiisyadii 1881-1886 oo ahaa in Ingiriisku qabsado Waqooyiga Soomaaliya [British Somaliland].
Sannadkii 1899 ayaa Seyid Maxamed Cabdulle Xasan asaasay ciidankii la baxay Daraawiishtaoo xaruntoodu ahayd Taleex.
Ciidankaas oo kasoo horjeedey Ingiriiska. Dagaal dheer oo uu lagalay Ingiriiska kaddib, Seyd Maxamed wuxuu ku dhintay iimey.
Waxaa Ingiriisku xorriyad siiyey Woqooyiga Soomaaliya June 26, 1960.
Koonfurta Soomaaliya Bilowgii qarnigii 18-aad waxaa xeebaha koonfureed waxaa qabsaday Salim Al Samimi, kaas oo ahaa Suldaan Cumaani ahoo taageera ka haystey Sinsibaar.
Kaddib wuxuu xeebahaas ka iibsadey dawladdii talyaaniga sannadkii 1889.
Dhammaadkii 1889 Talyaanigu wuxuu dareemay inuu cadaadis kala kulmay qabsashada xeebaha Soomaaliya.
Isla waqtigaas ayuu Talyaanigu heshiis lagalay cuqaashii Soomaaliyeed ee joogtey xeebaha Waqooyiga-Muqdisho.
Kaddibna Talyaanigu wuxuu Soomaaliya kasoo galay Raas-Gardafuul oo u dhow Caluula. Muddo kaddib, sannadkii 1941 ayaa Ingiriisku qabsaday dhulkii koonfureed ee Talyaanigu xukumey.
1948 ayaa qaramada midoobey guddi u direen Soomaaliya, siay usoo ogaadaan cidda ay Soomaalidu rabaan.
21 kii bishii Nofeembar ee sannadkii 1949 ayaa qaramada midoobey xukuntay xornima gaarsiinta Soomaaliya iyo in 10 sano Talyaanigu ka ahaado wakiil.
April 1, 1950 ayaa talyaaniga lagu wareejiyey koonfurta Soomaaliya si uu xorriyad u gaarsiiyo.
July 1, 1960 ayey ahayd xilligii ay Koonfurta Soomaaliya xorowdey.
Intaa haynoo jogto waa maqaal kooban.
Wad ku mahadsanid tahay inaad Akhriso.
Subscribe to:
Post Comments
(
Atom
)
0 comments:
Post a Comment