Boliiska ayaa baaritaan ku samaynaya in weerarkii Jaamacadda Ohio ee 11 qof ay ku dhaawacantay uu la xiriiray argagixiso.
Abdulrasaaq Cali Cartan oo 18 sano jir ah ayaa baabuurkiiisa ku dhuftay dad taagan jaamacadda horteeda, kadibna uu ku weeraray mindi, ka hor intaan boliiska uu toogan Isniintii.
Sababta uu weerarka u qaaday ardayga ayaan la ogayn, laakiin argagixiso inay sabab u tahay ayaa suurtogal ah, sida ay sheegtay madaxa boliiska, Kim Jacobs.
Laakiin Cartan, boliiska horay uma aqoon, sida uu qof aan magaciisa sheegin u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Fariinta ayaa sheegaysa: "Ameerika! Jooji faragalinta aad ku hayso waddamada kale, gaar ahaan ummada Muslimiinta, ma nihin dad jilicsan."
Laakiin fariin la qoray laba saac horteed ayaa sheegaysa : "Cafi iskana illow . Jaceyl."
Bartaas cinwaankaasi Facebook-ga ayaa laxiray, sida ay sheegtay AFP.
Markii la waydiiyay in weerarka uu ahaa fal argagixiso, madaxa boliiska Jacobs ayaa sheegtay : " Waa inaan tixgalinaa."
FBI-da ayaa samaynaysa baaritaanka jaamacadaoo ay dhigtaan 60,000 oo arday.
Cartan, oo ahaa qaxooti Soomaali ayaa deganaa Maraykanka isagoo helay sharciga Maraykanka. Wuxuu ka baranayay logistics management, kuliyada ganacsiga, sida ay ku waranatay Columbus Dispatch.
'Cabsi '
Cartan ayaa waraysi siiyay wargayska jaamacada ee The Lantern markii uu billaabay jaamacada 23-kii August, wuxuu wariye Kevin Stankiewicz u sheegay inuu ka cabsi qabo inuu ku tukado dadka dhexdiisa.
Abdulrasaq Cali Cartan ayaa sheegay inuu ka baqayo inuu ku tukado dadka dhexdiisa sababtoo ah "waxa laga sheego warfaafinta" saddex bilood ka hor intuusan dhiman.
" Waxaan rabay inaan dadka dhexdiisa ku tukado, laakiin waxaan ka cabsanayay waxa ka socda warbaahinta," hadii dadka ay arkaan anoo tukanaya ma ogi waxa ay ku fikirayaan."
"Laakiin, danbiga iyaga ma saarayo. Warbaahinta ayaa masawirkaas madaxooda galisay, waxay dareemi doonaan si aan fiicnayn," ayuu u sheegay wargayska jaamacada.
Bilihii ugu danbeeyay, masuuliyiinta federaalka ayaa ka digay khatarta weerarada mintidiinta ay ku adeegsan karaan mindi iyo baabuur si ay dad u weeraraan
Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS, ayaa ku guubaabisay dadka taageersan inay isticmaalaan wax walba oo ay weerar ku qaadi karaan.
Waxay kaloo ugu baaqday in dadka ay isticmaalaan baabuur, si ay u weeraraan xuska maalinta Thanksgiving Day, ee la isugu soo baxay magaalada New York maalmihii la soo dhaafay.
0 comments:
Post a Comment