Shir Abaaraha Looga Hadlayo oo Muqdisho ka Furmay



Shirweyne looga hadlayo arrimaha abaaraha ee ku soo noq noqda dalka ee dhibaatada ku haya dadka iyo duunyadaba, gaar ahaan dadka reer miyiga ah, ayaa maanta ka furmay Muqdisho.
Shirweynahan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa ujeedadiisa ugu wayn waxa ay tahay in laga hortago abaaraha ka hor inta aysan dhicin.
Kulanka waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka kala soday dowladda federaalka ah iyo maamul gobobleedyada dalka qaarkood.
La-taliyaha ra’iisal wasaaraha ee arrimaha u adkeysiga aafooyinka Cabdi Axmed Baafo oo kulanka ka qayb galay ayaa Caasho Ibrahaaim uga warramay kulanka iyo waxa laga filayo in ay ka soo baxaan gaba gabadiisa.
Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: