Dhaqaalaha Itoobiya ayaa hoos ugu soo dhacay boqolkiiba sideed intii u dhaxaysay 2015/2016 taas oo ah meeshii ugu hoosaysay muddo toban sano ah.
Tobankii sano ee u la soo dhaafay dhaaqalaha dalkaasi waxa uu celcelis ahaan kobcayay 10 boqolkiiba, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah dalalka uu dhaqaalahoodu ugu koritaan badan yahay caalamka oo dhan.
Waaxda qorshaynta ee dalkaasi ayaa sheegtay in sanadkan la filayay in dhaqaalaha dalku uu kobco boqolkiiba kaw iyo toban, balse arrintaas ay xagal daacisay abaar baaxad wayn oo saamayn wayn ku yeelatay dalagii ka soo gu'i jiray qaybo badan oo dalka ah.
Mar sii horaysay hay'adda lacagta adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF ayaa ka digtay in dhaqaalaha itoobiya uu hoos ugu dhici doono 4.5% sanadkan, arrintaas oo ay ku macnaysay abaarta dalkaasi ka jirta oo ah middii ugu xumayd ee soo marta muddo soddon sano ah.
Laakiin dawladda ayaa tiradaas meesha ka saartay waxayna ku adkaysanaysaa in dhaqaaluhu uu kobci doono 8%
Dadka falanqeeya arrimaha dhaqaaluhuna waxay sheegayaan in kobaca dhaqaaluhu uu culays dheeri ah kala kulmi doono mudaaharaadyadii dawladda lagu diidanaa ee gobollada Oromada iyo Amxaarada oo lagu weeraray shirkado iyo beero ubax oo ay ajaaniib leeyihiin.
Dhaqaalaha Itoobiya ayaa si wayn ugu tiirsan wax soosaarka beeraha balse wakhtiyadii u dambeeyay waxa uu kobac ka soo galay dhanka wax soo saarka warshadaha iyo adeegyada.

Mowduucyada la xiriira