Hogaamiyayaasha afar magaalo oo waa weyn oo caalamka ku yaal ayaa sheegay in ay joojin doonaan isticmaalka dhammaan gawaarida ku shaqeysa naaftada wixii loo gaaro 2025.
Maayirada magaalooyinka Paris, Mexico City, Madrid iyo Athens ayaa sheegay inay xayiraadda dhaqangalin doonaan si ay wax uga qabtaan tayada hawada magaalooyinkaas.
Waxa ay sheegeen inay dhiirigelin doonaan isticmaalka gawaarida kale sidoo kalana ay baritaari doonaan inay dadka lugeeyaan ama ay baaskiil isticmaalaan.
Hadalkan ayaa waxaa looga dhawaaqay dalka Mexico halkaa oo madaxda magaalooyinka ay ku shirayeen.
Gawaarida ku shaqeysa naaftada ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa lagu hayay daraasad xilli walaac laga muujiyay saameynta ay ku leeyihiin cimilada wanaagsan.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa sheegtay in ku dhawaad 3 milyan oo qof ay sanadkiiba u dhintaan sabab la xiriirta hawada wasakheysan.
0 comments:
Post a Comment