Booliiska Yurub ee Europol ayaa ka digay in kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka ay macquul tahay in ay qorshaynayso in ay weerarro dheeri ah ku bartilmaameed sato Yurub, maadaama lagaga itaal roonaanayo Bariga Dhexe.
Booliiska Yurub wuxuu sheegay in dagaalyahanno ajaaniib ah oo badan ay isku dayi doonaan in ay dib ugu laabtaan Gudaha Yurub, lagana yaabo in tiro aan badnayn oo weeraro qaadi kara ay haddaba joogaan gudaha Yurub.
Xeeladaha ay adeegsanayaan waxaa laga yaabaa in ay ka mid noqdaan gawaadhi waxyaabo qarxa lagu rakibo iyo afduub, sida uu booliisku sheegay.
Laakiin warbixintu waxay meesha ka saartay weeraro lagu qaado goobaha muhiimka ah sida xarumaha nukliyeerka.
Booliisku wuxuu sheegay in malayshiyada IS ay hadda doorbidayso goobaha jilicsan iyo in ay qaadaan weerarro shaqsi shaqsi ah sida kii gaadhiga loo adeegsaday ee bishii July ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.
Waxay ka digeen in qaar ka mid ah qaxootiga Suuriyaanka ah ee Yurub jooga ay u sahlanaan karaan in ay qortaan xagjiriin xeryaha qaxootiga ku milmay.
Yurub waxaa ruxay weeraro badan oo ka dhacay sanadihii u dambeeyay kuwaas oo lagu eedeeyay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.
0 comments:
Post a Comment