Boqorada Sweden Silvia ayaa sheegtay in guriga boqortooyada ay ku nooshahay inay la degen yihiin reer aaqiraad ayna yihiin saaxibo aan wax dhibaato ah ka dhexeyn.Silvia ayaa ku sheegtay filim dukumuntari ah oo lagu wado in maanta oo Khamiis ah laga daawado taleefishin laga leeyahay dalka Sweden.
Waxay sheegtay inay la degan tahay guriga boqortooyada ee Drottningholm “saxiibo reer aaqiraad ah.” “Waa wax fiican. Laakiin cabsi ma jirto” ayay sheegtay.
Guriga oo u dhow Stockholm oo la dhisay qarnigii 17-aad, ayaa waxaa degan boqorada iyo ninkeeda boqorka Carl XVI Gustaf. Dukumentariga Drottningholm, guriga boqortooyada, waxaa sameeyay telefishinka Sweden ee SVT.
“Mararka qaarkood waxaad dareemaysaa inaadan kaligaa ahayn” ayay boqorada u sheegtay filin qaadayaasha, iyadoo ku adkaysanaysa in reer aaqiraadka la nool ay yihiin “saaxiibo fiican”.
Dekumentariga ayaa ka hadlaya nolosha boqortooyada ee Guriga Drottningholm. Boqorada Silvia iyo boqorka Carl ayaa is guursaday 1976
Boqorada Silvia, 73, ayaa guursatay Boqorka Carl 40 sano ka hor, waana boqoradii ugu waqtiga dheereed ee Sweden. Waxaa dhalay aabe ganacsade Jarmal ah iyo hooyo reer Brazil ah.
0 comments:
Post a Comment