Afar ruux oo Maraykanka loogu xiray weerar si toos ah loo baahiyay

  • Saacad ka hor

Eddie JohnsonImage copyright.
Image captionEddie Johnson

Afar ruux ayaa lagu xiray magaalada Chicago ee dalka Maraykanka iyaga oo loo haysto nin ay dhibaato u gaysteen oo si toos ah Facebook looga daawaday.
Booliiska ayaa sheegay in ruuxa dhibaatada loo gaystay uu ahaa wiil ka mid ah dadka u baahan xannaanaynta gaar ah ama caafimaadkiisu uusan taam ahayn.
Dadka dhibka u gaysanaya ayaa la maqli karaa iyaga oo kula hadlaya hadallo ka dhan ah dadka caddaanka ah iyo madaxwaynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump.
Qayb ka mid ah muuqaalka ayaa laga arki karaa dhibanaha oo dharka lagaga jeexjeexayo mindi.
Masuul ka tirsan booliiska Chicago oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in ay macquul tahay in weerarkani uu nacayb ku salaysan yahay uu yahay wax laga "xumaado" oo uusan garan karin waxa qof ku qaadi kara in uu ficilkaas oo kale sameeyo.
Booliiska ayaa ammaanay sidii dhakhsaha ahayn ee ninkaas ay u badbaadiyeen askartii shaqada ku jirtay.
Waxay sheegeen in dhibanaha oo 18 jir ah isbitaal la geeyay lagana saaray hadda.
Booliisku wuxuu intaas ku daray in laga yaabo in ay 48 saac afduub u haysteen ninka la dhibaateeyay oo aysan magaciisa sheegin, ka hor inta aan muuqaalka laga helin.
Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: