Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la dhaariyay

  • 3 Saacadood ka hor

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo manta la dhaarinayo.

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay dugsiga sare ee booliiska "Jeneraal Kaahiye" ee magaalada Muqdisho.
Waxaa ladhaariyay 283 Xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee Baarlamaanka.

Diyaargarowga dhaarinta xildhibaanadaImage copyrightALAMY

Dhaarinta xildhibaanada kaddib ayaa baarlamanka cusub wuxuu yeeshay kalfadhigiisa ugu horeeyay, waxayna guddoomiye ku meel gara ah u doorteen Cusmaan Boqore oo ah qofka ugu da'da weyn xubnaha baarlamaanka. Wuxuu hoggaamin doonaa baarlamaanka ilaa iyo inta laga dooranyo guddoon rasmi ah.
Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah. Ciidammada ammaanka oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa lagu arkay waddooyin ka baxsan halka ay ka dhaceyso munaasabada.
Baarlamaankan oo ah kii 10-aad ayaa lagu wadaa inuu wakhti u qabto doorashada madaxweynaha oo dhowr jeer dib loo dhigay
Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: