Maxkamad ku taalla dalka Shiinaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay go'aan maxkamadeed oo lagu toogtay nin lagu eedeeyay in uu gabadh kufsaday ka dibna dilay muddo haatan 21 sano laga joogo.
Nie Shubin waxaa toogasho lagu dilay 1995 isaga oo 20 jir ah kaddib markii lagu helay in uu gabadh ku dilay magaalada Shijiazhuang, ee caasimadda u ah gobolka Hebei.
Laakiin maxkamadda sare ayaa hadda go'aamisay in cadaymihii loo adeegsaday xukunkiisa aysan ahayn kuwo dhamaystiran oo cad.
Qoyska Nie oo u ol'olaynayay labaatan sano sidii ay u cadayn lahaayeen in uusan dambi galin ayaa u mahadceliyay dadkii ku taageeray arrintaas.
Kaw iyo toban sano ka hor nin kale ayaa sheegtay in uu dambigaas isagu ka dambeeyay laakiin waa laga diiday sheegashadiisa.
Maxkammadaha Shiinaha ayaa 99% go'aan ka gaara dacwooyinka la hor keeno.
Lama oga tirada rasmiga ah ee dilka lagu xukumay maadaama ay dawladdu Shiinuhu si qarsoodi ah u fuliso, laakiin waxaa loo malaynayaa in sanad kaste kumanaan dad ah dil toogasho ah lagu fuliyo.
Qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda waxay dawladda ku eedaynayaan in qirashada dambiyda ay ku timaado ku qasbid iyo jir dil lagu sameeyo eedaysaneyaasha.
Caadiyan dalka Shiinaha kama dhacdo in isbadal lagu sameeyo xukun horay loo riday.
Sanadkii 2014 wiil yar oo ka soo jeeda gobolka Inner Mongolia ayay maxkamadi cadaysay in uu khalad ahaa xukun dil ahaa oo lagu fuliyay 18 sano ka hor ka dib markii lagu eedeeyay kufsi iyo dil.
Waalidkii ayaa markaas la siiyay 30,000 yuan taas oo u dhiganta 4,850 doolar oo magdhaw ah, intaas ka dibna waxaa la ciqaabay 27 masuul oo ku luglahaa maxkamadayntaas.
Weriyaha BBC John Sudworth oo ku sugan Beijing wuxuu sheegayaa in dacwada Nie ay aad caan uga tahay gudaha Shiinaha.
Wuxuu intaas ku daray in badalkii loo arki lahaa in hannaanka caddaladdu uu dib u saxayo wixii horay uga khaldamay, taa lidigeeda loo arko in ay tabar daran yihiin maxkamaduhu.
0 comments:
Post a Comment