Trump: Soomaaligii weerarka Ohio gaystay ma ahayn inuu dalka joogo 30 Daqiiqadood ka hor

Abdul Razak Cali Cartan ayaa sheegay August inuu ka cabsanayo inuu dadka ku dhex tukado

"Kooxda ISIS ayaa ku faaneyso tooriyayntii jamaacadda Ohio oo uu geystay qaxooti Soomaali ah oo markii horaba aan mudneyn inuu dalkeena joogo'', ayuu yiri, Donald Trump oo bartiisa Twitter-ka hadalkan ku qoray.
Bilihii ugu danbeeyay, masuuliyiinta federaalka ayaa ka digay khatarta weerarada mintidiinta ay ku adeegsan karaan mindi iyo baabuur si ay dad u weeraraan
Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS, ayaa ku guubaabisay dadka taageersan inay isticmaalaan wax walba oo ay weerar ku qaadi karaan.
Waxay kaloo ugu baaqday in dadka ay isticmaalaan baabuur, si ay u weeraraan xuska maalinta Thanksgiving Day, ee la isugu soo baxay magaalada New York maalmihii la soo dhaafay.
Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: