Aqalka Cad oo beeniyay in doorashadii Mareykanka lagu shubtay Saacad ka hor

Guushii Trump ayaa shaki la gelinayaa ayadoo dhankiisana uu sheegay in doorashada is daba marin ay ka dhex jirtay

War-ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay inaan cadeyn loo haynin in doorashada madaxtinimada la musuqmaasuqay.
Donald Trump oo ku guuleystay doorashada ayaanan helin codka shacabka caadiga ah.
Wuxuu Axaddii sheegay Mr Trump, in malaayiin qof oo shacab ah ay si qaldan u codeeyeen.
Laakiin cadeyn ma uusan bixin markuu hadalkaasi jeedinayay. Si weyn waxaa hadalkaasi u beeniyay saraakiisha doorashada.
Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka -The Green party- Jill Stein, waxaa lagu soo warramayaa inay dalbaneyso weli in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay seddax gobol.
Balse maamulka gobolka Pennsylvania wuxuu sheegayaa inaysan haynin wax cadeynaya in is daba marin ay dhacday intii doorashada ay socotay.
Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: