Trump oo danjire ka dhigay nin taageersan haysashada dhulka Falastiiniyiinta

  • 16 Disembar 2016

David FriedmanImage copyrightEPA
Image captionDavid Friedman

Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa u magacaabay David Friedman inuu noqdo safiirkiisa Israa'iil.
Friedman oo ah qareen 57 sano jir ah, ayaa Trump kala talinyay arrimaha Israa'iil intii uu ku guda jiray ololaha doorashada.
War qoraal ah oo uu soo saaray Donald Trump ayuu ku sheegay in aqoonta uu Friedman u leehay gobolka ay muhiim u tahay xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Israa'iil.
Friedman ayaa sheegay inuu daneynaya inuu ka shaqeeya "safaaradda Mareykanka ee caasimadda Israa'iil ee Qudus". Tallaabadaasi ayaa ka careysiin doonta Falastiiniyiinta oo bariga Qudus u arko inay tahay dhul ay iyagu leeyihiin.
Qarammada Midoobay uma aqoonsano Qudus inay tahay caasimadda Israa'iil, safaaradda Mareykanka-na waxaa sanado badan xarun u ahayd Tel Aviv.
Balse Trump ayaa ballan qaaday intii uu ololaha ku jiray inuu caasimadda Mareykanka uu u wareejin doono Qudus.
Ra'iisal Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu oo aan xiriir wanaagsan la lahayn madaxweyne Obama ayaa soo dhaweeyay doorashada Trump.
Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: