Michael Keating oo ka Hadlay Xubnaha Muranka uu ku Jiro


Michael Keating. Photo Courtsey of UN

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Michael Keating ayaa lagu sheegay in shir ay wakiilada beesha caalamka la yeesheen guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Somalia ay ka dalbadeen inay bixiyaan faahfaahin la xidhiidha diiwaanka kuraasta la sheegay in lagu muransan yahay oo ay gudidu soo celisay.
Warkan ka soo baxay xafiiska Mr. Keating ayaa lagu sheegay in gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinku ay hore beesha caalamka ugu gudbiyeen diiwaan ay ku qoran yihiin 24 xildhibaan oo khilaaf ka taagan yahay doorashadoodii xubinimada Aqalka Hoose ee baarlamaanka Somalia, hase ahaatee ay gudidu dhawaan si rasmi ah warbaahinta ugu faafisay liiska 11 xildhibaan oo khilaaf ka taagan yahay oo kaliya, taasina ay keentay in wakiilka Qaramada Midobay ee Somalia iyo wadamada beesha caalamka ee daneeya geedi socodka doorashoyinka Somlia ay faahfaahin dheeraad ah uga baahdaan gudiga xalinta khilaafaadka sida ay 24 kii kursi ee ay hore u sheegeen uga soo reebeen 11 kursi oo kaliya.
Waxaa warsaxafadeedkan lagu sheegay in gudiga looga fadhiyo sharaxaad la xidhiidha jidkii loo maray hadii la xaliyay khilafkii ka taagnaa 13 ka mudane ee aan lagu darin diiwaanka cusub, hadii aan xal loo helin kuraastaasina ay faahfaahin ka bixiyaan sababta ay uga reebeen liiiskan ay dhawaanta soo saaren.
Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in hadii aan lagu darin kiisaska khilaafku ka taagnaa gaar ahaan kuwii murankoodu aadka u cuslaa ay boqon goynayso guud ahaanba habsami u socodkii doorashada.
Waxaa warqaddan loo kala diray Madaxwaynaha Dawladda federaalka ah ee Somalia, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha iyo ku xigeenkiisa iyo sidoo kale madaxwayne yaasha maamul goboleedyada Somalia ee kala ah Puntland, Jubaland, Koonfur-galbeed, Gal-mudug iyo Hir-shabeelle.
Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: