Qaxooti Suuriyaan ah oo kaalinta koobaad ka galay iskuul Australia ku yaalla
14 Daqiiqadood ka hor
Sacad oo la sawiran kangaroo ga ay Australaia caanka ku tahay
Wiil qaxooti ah ah
oo u dhashay dalka Suuriya oo labo sano ka hor aanan ku hadli kain
luuqada Ingiriiska ayaa si wanaagsan uga baasay imtixaanka iskuulkiisa
oo ku yaalla Australia.
Balse Sacad Al kasab mar kasta ma ahayn ardayga ugu wanaagsan fasalkiisa.
14 sano jir ayuu ahaa markii uu dagaalka sokeeye ee Suuriya billowday, 2011-kii.
Sacad iyo ardey kale oo la sawiran macallinkoodii fasalka lixaad ee iskuulka Suuriya
Qoyska Sacad waxay ku khasbanaayeen inay kolba
xaafad u qaxaan iyagoo ka cararayay bambaanooyinka ay dhinacayda isku
adeegsanayeen.
Walaalkii ka wayn oo howlaha gargaraka gacan ka
geysnaayay ayaa waxaa xabsiga u taxaabaay ciidammada dowladda. Sacad iyo
xubnihii kale ee qoyska ayaa wixii intaa ka dambeeyay isaga qaxay
Suuriya.
Waxay u tallaabeen xadka Lubnaan oo ay uga sii gudbeen
Masar halkaasi oo ay ku noolaayeen muddo sanad ah. Waxay dabeedna u
guureen Australia.
Sacad hadda waa 19 sano jir wuxuu
ka qalinjebiyay mid ka mid ah iskuulada saree ee ugu fiican Australia
isagoo galay kaalinta koowaad.
0 comments:
Post a Comment