Madaxweynaha la doortay ee
Maraykanka Donald Trump, ayaa xaqiijiyay in madaxa Exxon Mobil, Rex
Tillerson, uu u magacaabay in uu noqon doono xoghayaha arrimaha dibadda
ee Maraykanka.
Mr Tillerson ayaa la sheegayaa inuu xiriir fiican la leeyahay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, iyadoo taasi walwal galinaysa xisbiga Dimoqraadiga iyo qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga.
Maalmo ka hor ayaa waxaa soo baxay in sirdoonka Maraykanka ay aaminsan yihiin in Ruushka uu caawiyay doorashada Trump, iyadoo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen kombutaro la jabsaday.
Sirdoonka USA: 'Ruushkaa faragelin sameeyay si uu u sare ugu qaado Trump'
Muran soo kala dhex galay Trump iyo saraakiil sarsare
Trump: Putin ayaa ka hoggaan fiican Obama
Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa ah diblomaasiga ugu sareeya, ee masuulka ka ah in la hirgaliyo siyaasadaha arrimaha dibadda ee dowladda.
" Shaqada Rex Tillerson ayaa astaan u ah riyada Maraykanka", ayuu sheegay Mr Trump.
" Tayada adkaysigiisa, qibradiisa iyo fahamka siyaasada arrimaha dibadda ayaa ka dhigaysa qofka ugu fiican ee loo doorto xoghayaha arrimaha dibadda".
Mr Tillerson ayaa sheegay in magacaabida ay u tahay sharaf, isagoo sheegay inuu la wadaago Mr Trump aragtidiisa in la soo celiyo aaminaadii xiriirka arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo in la adkeeyo ammaanka waddanka".
0 comments:
Post a Comment