Xulka Minnesota oo sheegay in uusan ciyaarayn, tacadiyada galmada ee loo soo jeediyay awgeed

  • 4 Saacadood ka hor

Ciyaaryahannadda Minnesota waxay sheegeen in ay u baahan yihiin jawaabo waafi ahImage copyrightAP
Image captionCiyaaryahannadda Minnesota waxay sheegeen in ay u baahan yihiin jawaabo waafi ah

Xulka kubadda cagta Maraykanka ee jaamacadda Minnesota ayaa sheegay in aysan wax ciyaaro ah ka qaybqaadan doonin ka dib markii ciyaaraha laga joojiyay 10 ka mid ah ciyaaryahannadooda oo lagu eedeeyay in ay gaysteen tacaddi galmo la xiriira.
Dhamaan xubnihii kooxda ayaa sheegay in ay mudaaharaadka sii wadi doonaan tan iyo inta ay jaamacadda ka helayaan jawaab waafi ah oo eedayntan la xiriirta.
Jaamacadda ayaa todobaadkan ciyaaryahannada ka mamnuucday ciyaaraha ka dib markii ay baaritaan samaysay balse ma aysan soo bandhigin sababihii ay jaamacaddu u qaadatay go'aamadaas.
Mar hore ayay booliisku diideen in ay xirxiraan ama dacwad ku soo oogaan ciyaaaryahanada lagu eedeeyay in ay haweenay tacadi u gaysteen bishii sagaalaad ee sanadkan.
Haweenayda ayaa booliiska u sheegtay in iyada oo cabsan ay rag badan tacadi ugu gaysteen guri ka baxsan dhismaha jaamacadda.
Qaar ka mid ah ciyaaryahannada ayaana sheegay in ay gabadha la seexdeen balse ay ogolaansho ka heleen iyada.
Kooxda Minnesota ayaa hadda sheegay in aysan meesha ka saaraynin in ka baaqdaan ciyaarta ay 27 bishan la yeelan lahaayeen xulka Washington State.
Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: