Madaxda Madasha Qaran ee Soomaaliya ayaa isku raacay in Musharax kasta oo u tartamaya jagada Madaxweynaha Soomaaliya laga qaado lacag dhan 30,000 oo doolar.
Sido kale Musharaxa doonaya inuu tartamo ayaa lagu xiray shuruud ah inuu helo saxiixa labaatan Xildhibaan, waana shuruudo adag oo ay ku hari karaan Mushariixin badan.
Waxaa la saadaalinayaa in Musharixiin badan ay ka haraan tartanka, sababtoo ah shuruudaha la duldhigay ayaa ah kuwo aad u adag.
Wararka u helayo SNN ayaa sheegaya in Musharixiinta qaar ay guux ku dhaliyeen shuruudahan.
Marka laga tago go’aanka ay gaareen Madaxda Madashu lagama talo galin go’aankan Musharixiinta u tartamaysa jagada Madaxnimada Soomaaliya.
Shuruudahan ayaa ka adag kuwii horay loogu xiri jiray Musharixiinta u tartamaysa jagada Madaxweynaha Soomaaliya sanadihii tagay.
0 comments:
Post a Comment