MUQDISHO —
Waxaa shaley galinkii danbe magalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shir ay lahaayeen madaxda Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa laga soo saarey war murtiyeed ka kooban 7 qodob, waxaana qodobada la isku afgartey ka mid ahaa in xildhibaanada la doortey ay Muqdisho yimaadaan kama danbeys 14-ka bisha si 15-ka bisha loo dhaariyo.
Sidoo kale waxaa la isku afgartey in 22-ka bishan la doorto guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo ku xigeenadooda.
Doorashada madaxweynaha ayaa lagu heshiiyey in la qabto 28-ka bisha December ee sanadkan.
Shirka ayaan lagu soo hadal qaadin waxa laga yeelayo kuraasta lagu muransan yahay iyo waliba xubnaha Sool iyo Sanaag.
Hoos ka aqri war-murtiyeedka oo dhan
War – Murtiyeed
Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ)
Doorashada 2016
Muqdisho 7-8 Diseember 2016
Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 07-08 Deseember 2016-ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed; Madaxweynaha Hirshabele, Mudane Cali Cabdulahi Cosoble; iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Eng. Cabdihakin Cabdullahi Camey;
Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016-ka.
Kulanka Furitaanka:
- Madaxweynaha: Ayaa soo dhoweeyey dhammaan ka qaybgalayaasha si gaar ahna uga mahadceliyey Beesha caalamka. Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in muddada la haysyto ay aad u kooban tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loogu guntado dhamaystirka howlaha doorashooyinka waqtiga oo aad u kooban awgeed.
- Ergayga Gaarka ah ee Qaruumaha Midoobay; Mr. Michael Keating: oo hadal gaaban ka jeediyey furitaanka madasha ayaa bogaadiyay hogaamiyeyaasha madasha. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay gudiyadda doorashooyinkka heer gobol iyo heer Federal sida habsamidda leh ay u fuliyeen howlaha Doorashooyinka dadban. Ergayga Gaarka ah waxuu mar kale Madasha u xaqiijiyay in beesha caalamku ay diyaar ula tahay taageero buuxda kuna dadaali doonaan in waxa walba waqtigeeda lagu bixiyo.
- Dhameysirka geeddi-socodka doorashada
- Madashu waxaay isla waafaqday in la dardargeliyo dhameystirka howlaha ka harsan doorashooyinka. Iyadoo taa laga ambaqaadayo ayaa waxaa ay isla meel-dhigeen qodobban:
- In dhammaan kuraasta doorashadooda harsan tahay si degdeg ah loo soo dhameystiro.
- Xildhibaanada loo soo doortay labada Aqal ee BFS ay ugu dambeyn 14.12.2016 u soo galaan Muqdisho si loo dhameystiro diiwaangelintooda.
- Munaasabadda lagu furayo Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 10-aad ee JFS, kulankiisa wadajirka ah oo lagu dhaarinayo Xildhibaanada labada Aqal waa in la qabtaa 15.12.2016.
- Haddii Baarlamaanka Federaalka si kale u guddoonsan:
- In Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo Ku-xigeennadooda la doorto 22kaDiseembar 2016; iyo
- In Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qabto 28ka Diseembar 2016.
- Ansixin habraac ku-meel-gaarka muddada kala guurka.
- Madasha waxay ansixisay habraaca ku-meel-gaar ah iyo Xeer-Hoosaadka u gaarka muddada kala guurka Baarlamaanka 9-aad iyo Baarlamaanka 10-aad ee cusub uu soo diyeeriyey Guddiga Farsamada iyo khubarada BFS.
- Habraacan oo ansixin loo horgeyn doono Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu maareyn doonaa:
- Qabashada Kulanka 1-aad ee wadajirka lagu dhaarin doono xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee la soo doortay;
- Doorashada Guddoonka iyo Ku-xigeennada labada Aqal ee BFS; iyo
- Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
- Xallinta saamiga Aqalka Sare Gobollada Sool iyo Sanaag.
- Madashu waxay si qottodheer u falanqysay arrinta ku saabsan saamiga ay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliland ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
- Madashu waxay guddoonsatay in shir ay u wada dhan yihiin Madaxda Madasha lagu qabto Muqdisho 13ka Diseembar 2016 si arrinka saamiga ay labadan gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare laysula meeldhigo.
- Baaq iyo Bogaadin
- Madaxda Madasha ayagoo aad u qaddariyey howlaha ay fuliyeen Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed iyo Gudiiga Xallinta Khilaafaadka waxay ku bogaadiyeen xowliga ay ku fuliyeen iyo mihnadyananimada ay ilaa heerkan ku soo gaarsiiyeen dardargelinta doorashooyinka dadban 2016 ee loo xilsaaray.
- Madashu waxay mar kale hoosta ka xariiqeysaa xurmeynta madaxbannaanida Guddiyada kala duwan ee loo xilsaaray hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016. Waxaase looga boorinayaa gudiyadau in ay raacaan habraacyada ay Madashu horay u ansixisay ee qeexaya fulinta xilalka iyo waajibaadka loogu xilsaaray xeerarka Guddi walba lagu dhisay.
- Madashu waxay sidoo kale bogaadin iyo mahad ballaaran u jeedineysaa dhammaan Taliyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeenka iyo dableyda Ciidammada Qalabka Sida, sida wacan oo daljirnimada ku dheehan ay u sugeen amniga umadda iyo nidaamka doorashooyinka. Madashu waxay dhammaan Hay’adaha Amniga iyo dadweynaha ugu baaqeysaa in ay joogteyaan iskaashiga iyo dadaalka sugidda amniga iyo difaaca Dowladnimadeena.
- Madashu waxay si gaar ah ugu mahadcelineysaa Beesha Caalamka tixgelinta gaarka ah u siineyso arrimaha horumarinta Soomaaliya iyo taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin Dawladda Federaalka Soomaaliya.
0 comments:
Post a Comment