UN oo sheegtay in guryaha "lagu dhexlaynayo" dumarka iyo caruurta Xalab



Nin wada canug yar isaga oo ka baxsanaya qaybta ay wali gacanta ku hayaan jabhaduhu ee magaalada Xalab Nin wada canug yar isaga oo ka baxsanaya qaybta ay wali gacanta ku hayaan jabhaduhu ee magaalada Xalab
Ciidammada taabacsan dawladda Suuriya ayaa galaya guryaha ku yaaalla bariga magaalada Xalab iyaga oo laynaya dadka ku jira oo ay ka mid yihiin dumar iyo caruur sida ay Qarammada Midoobay sheegtay.
Hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in ay hayso cadaymo lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in afar goobood lagu dilay 82 ruux oo shacab ah, iyada oo la tooganayay qofkii la arkaba.
Duqeyn loo geystay isbitaal ku yaalla Xalab
Carruurta xalab oo xanuunnada dhimirku ku soo badanayaan


Dagaalka iyo duqeynta magaalada Xalab
Sarkaal ka tirsan hay'adda caruurta ee UN ayaa sheegay inay la hadleen dhaqtar u sheegay in dhismo ay ku jireen caruur iyo haween lagu hayo weerar aan caadi ahayn.
Dhismahaasi ayuu sheegay in illaa 100 qof ay ku jiraan, kuwaas oo ah shacab xabadda halkaasi uga gabanaya.
Afhayeen u hadlay hay'adda ayaa sheegay in ay u muuqato "in gabi ahaanba ay meesha ka baxday banii'aadminimadii magaalada Xalab taalay"
“Waligey tan oo kale ma arag” Dhambaal naxdin leh oo ka yimid dhakhtar
Kumannaan qof ayaa ku go'doonsan degmooyiinka weli muacaaradka ay gacanta ku hayaan ee Xalab.
Waxay dadkaasi wajahayaan dagaal aad u culus oo kaga imaanaya ciidamada dowladda Suuriya iyo malleeshiyaad taabacsan.
Jabhaddihii haystay bariga magaalada Xalab muddo afar sano ah ayaa qarka u saran in la jabiyo.
Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: