Putin oo ka dagay dalka Japan oo ay dhul isku hayaan
- 15 Disembar 2016
Madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ka dagay dalka Japan, waxaana la filayaa in uu sixiixo heshiisyo muhiim ah oo dhanka ganacsiga ah marka ay kulmaan ra'iisul wasaare Shinzo Abe.
Putin ayaa sheegay in uu is badalay calaaqaadka Japan iyo Ruushka arrintaasna ay sabab u tahay dadaalka Ra'iisul wasaare Abe.
Labada dal ayaan wali kala saxiixanin heshiis nabadeed oo rasmi ah oo ku saabsan dhamaadkii dagaalkii labaad ee adduunka, arrintaasna waxaa sabab u ah muranka wali sii socda ee ku aadan jasiirado la isku hayo lahaanshahooda balse uu hadda maamulo Ruushku.
Putin ayaa ku adkaysanaya in heshiiska nabada la sixiixo marka hore oo laga hormariyo wadahadal kaste oo lagu gorfaynayo lahaanshaha jasiiradahaas muhiimka ah.
0 comments:
Post a Comment