Maraykanka oo xadidaya hubka uu Sacuudiga ka iibiyo

  • 7 Saacadood ka hor


Saudi Arabia joined the war on the side of President Hadi in March 2015

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay xadidi doonto hubka ay ka iibiso Sacuudiga iyada oo bartanka lagaga jiro walaaca ku aadan dhibaatooyinka soo gaaraya shacabka Yemen ee lala xiriirinayo duqaymaha dhanka cirka ah ee ka socda Yemen.
Sarkaal u hadlay wasaaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in aysan Sacuudiga u diri doonin hubka meelaha fog laga hago.
Maamulka madaxwayne Obama ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay khaladaadka ka dhacaya duqaymaha dhanka cirka ah ee Yemen lagu bartilmaameedsanayo.
Afhayeen u hadlay guddiga qaran ee ammaanka dalka Maraykanka ayaa intaas ka dibna sheegay in iskaashiga ay Sucuudiga la leeyihiin ee dhanka ammaanku aysan ka dhignayn isla xisaabtan la'aan.
Khamenei oo weeraray sida Xajka loo maamulo
Safiirka UK u fadhiya Sacuudiga oo Xajiyay
Bishii tobnaad ee sanadkan in kabadan 140 ruux ayaa lagu dilay duqayn weerar dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday dad aas ka qaybgalayay oo ku sugnaa isla dalka Yemen
Weeraradaas waxaa lagu eedeeyay xulafo uu Sacuudigu hogaaminayo oo isku dayaya in ay taageeraan dawladda la doortay ee Yemen oo la dagaalamaysa jabhadaha Xuutiyiinta ah oo Iiraan taageero ka haysta.
Inkastoo dib loo hakiyay qaar ka mid ah iibka hubka hadana Maraykanku wuxuu sheegay in uu sii wadi doono in uu Sacuudiga siiyo macluumaadka sirdoonka ee xuduudaha la xiriira.
Waxaa kale oo ay sheegeen in ay sii wadi doonaan tababarrada duuliyeyaasha ka qayb qaadanaya ol'olaha uu Sacuudigu hogaaminayo si looga baaqsado waxyeello soo gaarta shacabka, sida ay saraakiishu sheegeen.
Heshiiyada kale ee go'aankan uusan saamayn doonin waxaa isna ka mid ah heshiis uu qiimahiisu ku kacayo 3 bilyan oo doolar oo Maraykanku uu Sacuudiga ku gaynayo diyaaradaha qumaatiga u kaca
Xulafada uu Sacuudigu hogaaminayo ayaa dalka Yemen kula dagaalamaya dhaqdhaqaaqa xuuriyiinta.
Kumanaan shacab ah ayaa ku dhimatay ku dhawaad saddex milyan oo ruux ayaana ka barakacday dalkaas tan iyo markii uu dagaalku ka billawday sanadkii 2014-kii.
Dalka Yemen ayaa ka mid ah dalalka ugu fiqiirsan ee gobolkaas ku yaala.
Jabhadaha Xuutiyiinta ah ayaa la wareegay magaalada caasimadda ah ee Sanca, iyaga oo ku qasbay dawladda Cabdulfatax Mansuur Hadi in ay cararto.
Qaar ka mid ah gollahiisa wasiirrada ayaana ilaa markaas ku sugan magaalada Caden.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa horay u diiday in ay dad badan oo shacab ah laysay, waxayna intas ku dartay in ay samaynayso waxkaste oo lagaga baaqsan karo in waxyeelo la gaarsiiyo goobaha shacabka.
Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: