Madaxwaynaha Filibiin oo qirtay "in uu horay dad gacantiisa ugu laayay"

  • 4 Saacadood ka hor
     Duterte ayaa wali aad looga taageeraa dalka Filibiin
    Madaxwaynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte ayaa qirtay in uu gacantiisa ku dilay dambiileyaal intii uu ahaa duqa magaalada Davao.
    Wuxuu maamulayay magaaladaasi mudo labaatan sano ah isaga oo ku guulaystay in uu dhimo dambiyadii magaalada ka dhici jiray, isaga oo lagu eedeeyay in uu taageersanaa in dambiileyaasha la toogto.
    Madaxweynaha Philippine oo aflagaadeeyay Obama
    Duterte oo dagaalka uu kula jiro daroogada barbar dhigay kii Hitler
    Duterte ayaa hadalkan sheegay Isniintii mar uu khudbad u jeediyay hogaamiyeyaasha ganacsatada ka hor intii uusan safar ugu bixin dalka dibaddiisa.
    Madaxwaynaha ayaa horay u jeediyay hadallo badan oo muran dhaliyay mararka qaarna iska hor imanaya.
    Hadalkiisan u dambeeyay wuxuu ku sheegay in uu mooto ku dhex wareegi jiray magaaladaa si uu laayo haddii uu arko wax uu ka shakiyo, isla markaasna booliiska u tuso in ay iyaguna awood adeegsadaaan.
    Hadalkiisan wuxuu sii xoojinayaa hadalkii uu sheegay sanadkii 2015-kii markaas oo uu qirtay in uu magaalada Davo ku dilay saddex nin oo looga shakiyay afduub iyo kufsi.
    Duterte oo horaan khudbad uga jeediyay abaalmarinta Outstanding Filipino Awards 2016, ayaa sheegay in uusan dilaa ahayn, balse saacado uun kadib ayuu qirtay in uu dad gacantiisa ku laayay.
    Qirashadaas ka dib wuxuu booqday dalka Kaambodia, Khamiistana wuxuu booqan doonaa Singapore.

    Duterte ayaa booqasho rasmi ah u baxay ka dib markii uu qirtay in uu dad laayay
    Waxaa la sheegay in ku dhawaad 6,000 oo ruux ay dileen booliiska iyo dad is abaaabulay tan iyo markii uu Duterte billaabay hawlgalkiisa ka dhanka ah daroogada markii la soo doortay bishii shanaad ee sanadkan.
    Madaxwaynahu wuxuu horay u sheegay in uu taageersan yahay dagaalka ka dhanka ah daroogada, isaga oo sheegay in haddii uu Hitler dilay saddex milyan oo Yuhuud ah ay isna farxad galin lahayd in uu dilo haddiiba la helayo saddex milyan oo daroogo la qabotintay.
    Duterte ayaa si joogto ah ugu celceliyay in uusan dan ka lahayn xuquuqda aadanaha wuxuuna bidhaamiyay in lagayaabo in uu bartilmaameedsado qareennada u doodaya dadka lagu tuhunsan yahay daroogada.

Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: