HAWEENEY BRITISH MUSLIM AH OO BARTAMAHA MAGAALADA LONDON LOOGA JIIDAY XIJAABKEEDA



Haweeney British Muslim ah ayaa wadada dhexdeeda Magaalada Londona looga jiiday xijaabkeeda iyadoo dambiyada ku saleysan nacaybka jinsiyada iyo diimaha gaar ahaan naceybka ka dhanka ah Muslimiinta uu siyaaday.
Gabadhaan oo 27-sano jir ah ayaa waxaa weeraray oo dhulka ku jiiday Laba nin oo cadaan ah Maalintii Arbacada ee aynu ka soo gudubnay sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska.
Haweenaydaan ayaa ka soo kasoo baxday Goob ay ku baraneysa Wadista Gaadiidka ee wadada Old Church Road ee xaafada Chingford iyadoona u socotay timo qurxin saaluunka waxaana Markaasi ay la Kulantay Weerarka ku saleysan Islaam Naceybka.
Cunsuriyiinta ayaa rabay inay xoog uga saaraan xijaabka, sida ay sheegeen goob joogayaal iyaga oo xusay in gabadha la jiidayay dhowr mitir ka hor inta ay goobta ka cararin.
Gabadhaan Muslimada ah ayaa la sheegay in Horay ay u qabtay Xanuun dhanka dhabarka ah waxaana kusoo kacday Jugta Dhabarka iyadoona loo qaaday Cisbitaal.
Nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta ayaa walwal ku haya dad badan oo ku dhaqan Ingiriiska iyo Yurub daafeheeda oo sanadihii ugu dambeeyay ay soo bexeen ururo barnaamijkooda ka dhigtay waxyeeleenta, aflagaadeynta iyo been abuurka laga sameeyo diinta Islaamka iyo Muslimiinta
Ingariiska wuxuu kamid yahay Wadamada Yurub ee Inta badan aan lagu dhibaateyn Bulshada Muslimiinta marka loo eego Dalalka kale ee Yurub iyo Caalamka waxaana jira sharci diidaya in Qof Muslim ah la dhibaateyo Balse Fikirka ku dhisan Muslim Naceybka ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay waxa ay kusoo Kordhayeen Dalka Ingariiska iyo Qaarada Yurub oo dhan.
Share on Google Plus

About somali news network snn

0 comments: